RASMI: Lorenzo Insigne oo si rasmi ah ugu biiraya naadiga Toronto FC

(Naples) 09 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Toronto FC ayaa si rasmi ah heshiis ula gaartay xiddiga naadiga Napoli ee Lorenzo Insigne kaasoo si xor ah ugu biiraya xagaaga soo aaddan.

Qandaraaska Insigne ee naadiga reer Taliyaani ayaa dhici doona dhammaadka xilli ciyaareedkan waxaana uu heshiis horudhac ah la gaaray naadiga Toronto ee ka ciyaarta horyaalka MLS  isagoo qalinka ugu duugay qandaraas afar sano ah.

30-sano jirkan ayaa waayo qurux badan ku qaatay naadiga Napoli isagoo haatan ah kabtanka kooxda, waxaana uu sidoo kale qayb ka ahaa xiddigihii xulka qaranka Taliyaaniga u gacan geliyay tartankii qarammada Yurub ee EURO 2020 kaasoo xagaagii lasoo dhaafay ay fiinaalkiisa ka garaaceen xulka England.

Si kastaba ha ahaatee, Insigne ayaa bisha July u dhaqaaqi doono naadiga ka dhisan caasimadda dalka Canada taasoo boosaska hoose kaga dhammeysatay sanadkii hore horyaalka MLS Eestern Conference 2021.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close