Kooxaha Man City iyo Liverpool oo ku dagaallmaya saxiixa xiddig muhiim u ah naadiga Barcelona

(England) 09 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lasoo warinayaa inay diyaar u tahay inay dhiggeeda Liverpool kula dagaallanto saxiixa xiddiga naadiga Barcelona khadka dhexe uga ciyaara ee Gavi.

Manchester City keen to bring in Barcelona's Gavi | Marca

Qandaraaska Gavi ee naadiga Barca ayaa dhici doona xagaaga 2023, waxaana qayb ka ah in qandaraaskaas lagu jebin karo 42 milyan oo gini, waana arrinta soo jeedineysa dareenka kooxaha waaweyn ee xiiseynaya laacibkan adeeggiisa.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail, Man City ayaa si dhow ula socota xaaladda 17-sano jirkan iyadoo kula loollameysa Reds oo iyaduna baacsaneysa saxiixa laacibka reer Spain.

Gavi ayaa si kastaba ha ahaatee ku faraxsan u ciyaarista naadiga Blaugrana isagoo xiiseynaya la shaqeynta macallinkiisa Xavi Hernadez iyo inuu ka garab ciyaaro da’yarta ay isla soo bexeen sida Ansu Fati, Pedri iyo Nico Gonzalez.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close