Manchester City oo xalay guul ku bilawday kulammada wareegga saddexaad ee tartanka FA Cup & Chelsea oo caawa ciyaareysa

(England) 08 Jan 2022. Wareegga saddexaad ee tartanka FA Cup ayaa xalay la daah rogay iyadoo kooxda kubadda cagta Manchester City ay guul weyn kasoo gaartay naadiga heerarka hoose ka ciyaarta ee Swindon Town markaas oo ay 4-1 kusoo dubatay iyadoo marti ahayd.

Player Ratings: Swindon Town 1-4 Manchester City (FA Cup Third Round) - Sports Illustrated Manchester City News, Analysis and More

Bernardo Silva oo daqiiqaddii 14-aad bandhigga goolasha billaabay iyo Gabriel Jesusu oo goolka labaad raacsaday daqiiqaddii 28-aad ayaa ka saaciday inay Man City qaybta hore nasiinnada ku aaddo hoggaan 2-0 ah kahor inta uusan Ilkay Gundogan hoggaanka 3-0 uga dhigin laad xor daqiiqaddii 59-aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta.

Harry McKirdy ayaa daqiiqaddii 78-aad ee ciyaarta goolka calanka u dhaliyay naadiga Swindon hase ahaatee, waxaa xalay xiddig sare ciyaarta ka ahaa Cole Palmer oo goolkii afaraad ee Citizens dhaliyay daqiiqaddii 82-aad ee ciyaarta xilli uu caawiye ka ahaa goolkii Bernardo ee bilawgii kulanka.

Si kastaba ha ahaatee, Citizens ayaa wareegga afaraad ee tartanka iska xaadirisay, waxaana maanta illaa caawa jiri doona 21 kulan oo isla wareeggan ka tirsan, waxaana kulanka ugu weyn uu yahay midka ay Chelsea soo dhoweyneyso naadiga Chesterfield.

Is Chelsea vs Chesterfield on TV? Channel, live stream, team news and kick-off time for FA Cup third round clash

Blues ayaa sida la aaminsan yahay heshay isku aad sahlan inkastoo uu u dhexeeyo labo ciyaarood oo ay wareegga afar-dhammaadka tartanka EFL Cup la qaadaneyso Tottenham Hostpur iyadoo kulankii lugtii hore gurigeeda ku adkaatay 2-0.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close