“N’Golo Kanté waa lagu dulmiyay tartanka abaal-marinta Ballon d’Or” – Joe Cole

(London) 07 Jan 2022. Halyeeyga kooxda Chelsea ee Joe Cole ayaa muujiyay fikirkiisa ku aadan in xiddiga Blues ee N’Golo Kante, lagu dulmiyay tartanka Ballon d’Or 2021.

Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaal-marintan, oo ay bixiso majaladda France Football, kaddib markii uu ku garaacay weeraryahanka reer Poland iyo kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski.

Wargeyska The Sun ayaa baahiyay wareysi uu bixiyay halyeeyga kooxda Chelsea ee Joe Cole, oo ka hadlay dhowr arrimood, waxaana ka mid ahaa:

“Waxaan daawadaa N’Golo Kanté toddobaad kasta, saameyntiisa kooxda waa mid cajiib ah.”

“Wuxuu dhaawac ku seegay qaybo badan oo ka mid ah xilli ciyaareedka, markii uu ciyaarayna waxa uu ahaa mid cajiib ah.”

“Markaan fiirino socodkii kooxda ee Champions League xilli ciyaareedkii hore, laga bilaabo wareega 8-da, wuxuu ahaa xiddigii ugu fiicnaa garoonka 6 ka mid ah toddoba kulan, oo uu ku jiro kulankii finalka.”

Chelsea legend Joe Cole rejected for new England Under-21s boss and reveals  he wasn't even interviewed for job

“Indhahayagu waxa ay had iyo jeer soo jiitaan gool dhaliyayaasha iyo ciyaartoyda farsamada sare leh, laakiin saamaynta uu ninkani ku leeyahay kooxihiisa waa mid cajiib ah.”

“Kante waxa uu xirfadiisa ku soo gabagabeyn doonaa rekoorro ay ka buuxaan tartamo kala duwan uu qeyb ka yahay koobka aduunka, waxaan filayaa inuu yahay mid ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee ugu fiican abid.”

Halyeeyga kooxda Chelsea ee Joe Cole oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri: “Waa la iska indhatiray abaal-marinta laacibka sanadka.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close