RASMI: Chelsea oo xaqiijisay in labo ka mid ah xiddigaheeda laga helay Korona Fayras

(London) 06 Jan 2022. Xanuunka Korona Fayras ayaa si xoog leh ugu soo rogaal celiyay dalka Ingiriiska, waxaana haatan naadiga Chelsea ay xaqiijisay in xanuunkaan laga helay xiddigaheeda kala ah Thiago Silva oo daafaca dhexe iyo xiddiga khadka dhexe ka ciyaara ee N’Golo Kante.

Kooxda heysata horyaalnimada qaaradda Yurub ayaa si ba’an ula tacaaleysa xanuunkan waxaana xiddigaha laga helay caabuqan tan iyo bilawgii December ay gaarayaan illaa lix xiddig, waxaana ugu dambeeyay Kante iyo Silva.

Labadan laacib ayaa seegi doona kulanka toddobaadka soo aaddan ee FA Cup ay kula balansan tahay naadiga Morecambe iyagoo sidoo kale seegay kulankii ay xalay Blues ka taqallustay naadiga Tottenham Hotspur.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa xalay 2-0 ku garaacday Spurs kulankii lugta hore ee wareegga afar-dhammaadka tartanka Carabao Cup, waxayna lugta labaad booqan doontaa dhiggeeda Asbuuca dambe.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close