17 ciyaaryahan oo aan ku faraxsanayn Kooxda Manchester United & Qaar ka mid ah oo magacyadooda la shaaciyey

(Manchester) 06 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay jiraan 17 xiddig oo ka tirsan, kuwaasoo aan ku faraxsanayn naadiga.

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa warinaya Manchester United ay wajahayso xaalad jahawareer ah, iyadoo ay jiraan 17 ciyaaryahan oo aan ku faraxsanayn garoonka Old Trafford.

Xiddigo magacyo waa weyn leh ayaa ka mid ah 17 xiddig ee aan ku faraxsanayn Kooxda Manchester United, kuwaasoo la warinayo inay doonayaan inay isaga tagaan naadiga.

Paul Pogba, Edinson Cavani, Jesse Lingard, Dean Henderson iyo Donny van de Beek ayaa ka mid ah xiddigaha tirada badan ee aan ku qanacsanayn naadiga, kuwaasoo oo mardhow ka tagi kara Man United.

Sidoo kale, waxaa xiddigaha aan ku faraxsanayn Manchester United ka mid ah Eric Bailly, Anthony Martial iyo Nemanja Matic, kuwaasoo ka fiirsanaya inay ka dhaqaaqaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close