Real Madrid oo ka soo adkaatay kooxda Alcoyano oo ay booqatay kulan ka tirsanaa wareegga 32-aad ee Copa del Rey… +SAWIRRO

(Spain) 05 Jan 2022. Real Madrid ayaa ka soo adkaatay kooxda Alcoyano oo ay booqatay kulan ka tirsanaa wareegga 32-aad ee Copa del Rey, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-3, Los Blancos ayaa iska xaadirisay wareega xiga ee tartankan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Real Madrid.

Daqiiqadii 39-aad daafaca reer Brazil ee Éder Militão ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Real Madrid wuxuuna ciyaarta ka dhigay 0-1.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

66 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda martida loo ahaa ee Alcoyano ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay laacibkooda Dani Vega.

Laakiin daqiiqadii 77-aad kooxda Real Madrid ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-2 ka dhigay Marco Asensio.

79 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Isco oo badel ku soo galay ayaa wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxdiisa Real Madrid wuxuun ciyaarta ka dhigay 1-3.

Ugu dmabeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 1-3 ay kaga soo adkaatay Real Madrid, kooxda Alcoyano oo ay booqatay, kulankii ka tirsanaa wareegga 32-aad ee tartanka Copa del Rey.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close