RASMI: Kulanka Arsenal iyo Liverpool ee tartanka Carabao Cup oo dib loo dhigay

(England) 05 Jan 2022. Xiriirka kubadda cagta ee horyaalka Premier League ayaa ku dhawaaqay maanta oo Arbaco ah in dib loo dhigay kulanka Arsenal iyo Liverpool ee tartanka Carabao Cup, kaasoo loo qorsheeyay inuu qabsoomo habeen dambe ee Khamiista ah, kaddib markii uu ka dilaacay caabuqa Korona Fayras kooxda Liverpool.

Xiriirka ayaa shaaciyay in kulanka lagu ciyaari doono 13-ka bishan garoonka Anfield, iyada oo kulanka lugta labaad lagu ciyaari doono garoonka Emirates 20-ka isla bishan.

Liverpool ayaa xalay oo Talaado ah codsatay in kulanka dib loogu dhigo, sababo la xiriira inay jiraan kiisas badan caabuqa Korona Fayras ee kooxda ah, taasoo keentay in la kansalo tababarkii naadiga, iyada oo la ogyahay in tababaraha reer Germany ee Jurgen Klopp uu haatan ku jiro karantiil, kaddib markii uu ku dhacay xanuunka Covid 19.

Caawiyaha tababare Klopp ee Pepijn Lijnders ayaa ku biiray liiska shaqsiyaadka uu kaga dhacay Liverpool caabuqa Korona Fayras, kaddib markii uu kooxda hoggaamiyay kulankii ugu dambeeyay ee Premier League oo ay kula ciyaareen Chelsea kaasoo ku soo idlaaday barbardhac 2-2 ah.

Wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa sheegay in ku dhawaad ​​30 kiis oo caabuqa Korona Fayras ah laga helay kooxda Liverpool.

Liverpool ayaana xaqiijisay xilli hore maanta oo Arbaco ah in garoonka tababarka kooxda ee Ground albaabada loo xiri doono 48-da saacadood ee soo socda si loo xaddido fiditaanka Fayraska.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close