RASMI: Thiago Silva oo qandaraaska u kordhiyay naadiga Chelsea… (Immisa xilli ciyaareed ayuu sii joogi doonaa Stamford Bridge?)

(London) 04 Jan 2022. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ugu dambeyn si rasmi ah ugu guuleysatay inay heshiis cusub ka saxiixato difaaceeda waayo-aragga ah ee Thiago Silva kaddib qaab-ciyaareedkiisa heerka sare ah.

37-sano jirkan ayaa qayb libaax leh ka qaatay inay naadiga Blues ku guuleysato tartanka Champions League xilli ciyaareedkii hore isagoo sidoo kale haatan kaalin mug weyn ku leh shaxda muhiimka ah ee Macallin Thomas Tuchel, sidaas darteed maamulka kooxda Ingiriiska ah ayaa doortay inay sanad kale ku kordhiyaan qandaraaskiisa.

“Inaan halkaan la joogo Chelsea waa ii farxad, mana aanan ku fikirin inaan saddex xilli ciyaareed halkaan ugu ciyaari doono kooxdan weyn sidaas darteed, waan ku faraxsanahay inaan xilli ciyaareed kale sii joogo” ayuu difaaca reer Brazil u sheegay hilinka rasmiga ah ee naadiga Chelsea.

Silva ayaa afar gool u dhaliyay kooxda ka dhisan galbeedka London tan iyo markii uu si xor ah ugu soo dhaqaaqay 2020 markaas oo uu kasoo tagay Paris Saint-Germain, waxaana heshiiskiisa haatan uu ku ekaa dhammaadka xilli ciyaareedkan hase ahaatee, qandaraaskiisa cusub ayaa idlaan doono xilli ciyaareedka 2022-23.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close