Romelu Lukaku oo la soo warinayo koox ka dheesha horyaalka Premier League oo uu kaga biiri karo, xilli Facebook-giisa uu xalay ku soo qoray…

(London) 03 Jan 2021. Romelu Lukaku kuma faraxsanaha Kooxdiisa Chelsea, waxaana la soo warinayaa inuu ku biiri karo koox lama filaan ah oo ka dheesha horyaalka Premier League.

Wargeyska Gazzetta Dello Sport ayaa warinaya in Lukaku uu dib ula midoobi karo Macallinkiisii hore ee Conte, kaasoo hadda hoggaamiya Kooxda Tottenham.

Weeraryahanka Kooxda Blues ee Lukaku ayaan mustaqbalkiisu fadhin kaddib markii ay isku dhaceen Macallinkiisa Tuchel, maxaa yeelay waxa uu bixiyey dhowaan wareysi lagu bahdilay Chelsea.

Romelu Lukaku ayaa laga yaabaa inuu u wareego haatan kooxda Chelsea ay ku xafiiltamaan London ee Tottenham si uu ula midoobo tababarihii hore ee Inter Milan Antonio Conte, sida laga soo xigtay Gazzetta Dello Sport.

Wareysi qarsoodi ah oo uu xiddiga reer Belgium bixiyey ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay oo uusan ku faraxsanayn Chelsea, taasoo sababtay in Tababare Tuchel uu ka reebo safkiisa kulankii horyaalka Premier League ee ay kooxdiisu la ciyaartay xalay  Liverpool, kaasoo ku dhammaaday barbaro 2-2.

Waxaa intaas xigay in Lukaku xalay markale ku kacay fal ka caraysiiyay jamaahiirta Chelsea kaddib markii uu qaybta faah-faahinta (Bio) ee Page-kiisa Facebook ku soo qoray magaca kooxdiisii hore ee Inter Milan.

Inkastoo uu xagaagan uun ku soo laabtay Blues, haddana weeraryahanku waxa uu haatan u ka fikirayaa inuu xaqiijiyo bixitaankiisa, iyadoo la warinayo in uu ku biiri karo kooxda Macallin Conte ee Spurs.

Si kastaba ha noqotee, Tababare Tuchel ayaa la sheegay in maanta oo Isniin ah ay wadahadallo fool ka fool ah yeelanayaan isaga iyo Lukaku, waxaana ay kaga wada hadli doonaan dhibka jira si xal kama dambeys ah loo gaaro.

Wixii ku soo kordha xaaladda Lukaku iyo Chelsea, wararkeenna dambe ayaad kula socon doontaan hadduu Eebbe idmo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close