Taariikhaha waa weyn ee kubadda cagta sanadka cusub ee 2022… (AFCON, Final-ka Champions League, Koobka Adduunka, El Clasico & kuwo kale)

(World) 01 Jan 2022. Ma jiro tartammo waa weyn oo dhici doona xagaaga 2022, maadaama Koobka Adduunka ee sanadkan uu ku jadwalaysan yahay bilaha November iyo December inuu ka dhaco dalka Qatar.

Hase yeeshee, tani ma’ahan dhacdada kaliya ee weyn ee la sugayo sanadkan cusub, kaasoo loo arko inuu ka mid yahay kuwa ugu mushquulka badan xilli ciyaareedyadii dhowaa ee la soo dhaafay.

Haddaba halkaan hoose waxaan ku eegeynaa taariikhaha waa weyn ee kubadda cagta laga ciyaari doono sanadkan 2022 oo ay ku jiraan Koobka qarammada qaaradda Afrika iyo Koobka Adduunka:-

January

January 1: Waxaa furmay suuqyada kala iibsiga xiddigaha ee horyaallada Premier League, Bundesliga iyo Ligue 1.

January 3: Waxaa furmay suuqyada kala iibsiga xiddigaha ee horyaallada LaLiga iyo Serie A.

January 9: Bilaabashada Koobka qarammada Qaaradda Afrika ee Africa Cup of Nations.

January 16: Final-ka Supercopa de Espana.

February

February 1: Waxaa xirmi doona dhammaan suuqyada kala iibsiga dhammaan horyaallada oo idil.

February 6: Waxaa la ciyaari doona Final-ka Koobka qarammada Afrika ee Africa Cup of Nations.

February 15: Waxaa bilaabanaya heerka bugbaxa ee Champions League.

February 27: Waxaa la ciyaari doonaa Final-ka Carabao Cup.

March

March 20: El Clasico (La Liga) Kooxaha Real Madrid vs Barcelona.

March 24 & 29: Kulammada isreeb-reebka Koobka Adduunka qeybta play-offs.

April

April 23: Waxaa la ciyaari doonaa Final-ka Copa del Rey.

May

May 8: Madrid derby iyo Final-ka Coupe de France ayaa la ciyaari doonaa.

May 11: Final-ka Coppa Italia ayaa la dheeli doonaa.

May 14: Final-ka FA Cup ayaa lagu ballansan yahay.

May 18: Final-ka Europa League ayaa la ciyaari doonaa.

May 21: Final-ka DFB-Pokal ayaa lagu ballansan yahay.

May 25: Waxaa la ciyaari doonaa final-ka Conference League.

May 28: Final-ka Champions League ayaa dhici doona.

June

June 2,3,4,5,6,7,9, 10, 11, 12, 13 illaa 14: Kulammada UEFA Nations League ayaa la dheeli doonaa.

August

August 6: Horyaalka Premier League xilli ciyaareedkiisa 2022-23 ayaa furmi doona.

August 12: Horyaalka LaLiga Santander xilli ciyaareedkiisa 2022-23 ayaa furmi doona.

September

September 6: Heerka Guruubyada Champions League ayaa billaaban doona.

September 22, 23, 24, 24, 26 illaa 27: Kulammada UEFA Nations League ayaa la dheeli doonaa.

October

October 1: Final-ka Copa Sudamericana ayaa qabsoomi doona.

October 29: Final-ka Copa Libertadores ayaa lagu ballansan yahay.

November

November 21: Koobka Adduunka 2022 ayaa billaaban doona.

December

December 18: Final-ka Koobka Adduunka ee Qatar ayaa qabsoomi doona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close