“Waxaan muujinay awooda kooxdeena.” – Ralf Rangnick kaddib guushii Man United ay ka gaartay Burnley

(Manchester) 31 Dis 2021. Tababaraha kooxda Manchester United Ralf Rangnick ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay kaddib guushii ay ka gaareen Burnley.

Manchester United ayaa guul ay u qalantay ka gaartay kooxda Burnley oo marti ugu ahayd garoonka Old Trafford, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Kaddib ciyaarta shabakada My Network ayaa shaacisay wareysi uu bixiyay tababare Ralf Rangnick, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Sida la filayay waxay ahayd ciyaar awood jireed, oo aan la ciyaarnay koox ciyaareysa awood jireed oo aad u weyn.”

“Waxaan sidoo kale soo bandhignay awooda aan ku heysano kooxdeena, waxaana maanta muhiim aheyd inaan sare u qaadno heerka awoodeena.”

“Qaab ciyaareedka kooxda oo dhan aad ayuu u fiicnaa, waan ku faraxsanahay qaab ciyaareedka xiddigaha garbaha, Jadon Sancho, Mason Greenwood iyo Cristiano Ronaldo, dadaalka shaqada ayaa ahaa mid aad u fiican.”

“Diiradaydu waa ciyaartoyda haatan, waxaana kooxda ku haysanaa ciyaartoy nagu filan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close