Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel oo ka jawaabay hadalladii kululaa ee Lukaku

(London) 31 Dis 2021. Tababaraha kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa u jawaabay Romelu Lukaku, kaddib hadaladii kululaa ee uu ku muujiyay sida uu uga xun yahay joogitaankiisa Blues.

Romelu Lukaku ayaa muujiyay sida aanu ugu qanacsanayn qaabka ay kooxda uga hoos ciyaarayso tababare Thomas Tuchel, wuxuuna muujiyay inuu doonayo inuu markale ku laabto Inter Milan.

Romelu Lukaku ayaa xagaagii hore ugu soo laabtay Chelsea aduun dhan 98 million pounds, wuxuuna kaga soo biiray Inter Milan kaddib laba sano guulo ah oo uu la gaara Nerazzurri.

Shabakada Goal ayaa shaacisay jawaabtii uu Thomas Tuchel ka bixiyay hadalladii kululaa uu Romelu Lukaku ka dhawaajiyay dhawaan, wuxuuna yiri:

“Waxaan si toos ah oo daacad ah kula hadli doonaa Romelu Lukaku albaabada oo xiran.”

“Waan yaabay sababtoo ah ma arko Romelu Lukaku oo aan faraxsanayn.”

“Waxaan qaadan doonaa waqti si aan isugu dayno inaan fahanno waxa ka dhex guuxaya Romelu Lukaku, sababtoo ah waxa uu yiri kama tarjumayso dhaqankiisa maalinlaha ah ee tababarka.”

Thomas Tuchel oo sidoo kale hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in hadalka Romelu Lukaku uu ahaa mid aan loo baahnayn oo isagu dhibaato ku ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close