Ronaldo oo dhaafiyay rikoor uu heystay halyeey kooxda Man United ah kaddib goolkii uu ka dhaliyay Burnley

(Manchester) 31 Dis 2021. Cristiano Ronaldo ayaa goolkii saddexaad ee kooxdiisa Manchester United ka dhaliyay naadiga Burnley, kulankii xalay ay labada kooxood ku wada ciyaareen garoonka Old Trafford.

Manchester United ayaa guul ay u qalantay ka gaartay kooxda Burnley oo marti ugu ahayd garoonka Old Trafford, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Goolkii xalay uu dhaliyay Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu sarre uu qaaday tirada goolashiisa uu ka dhaliyay Premier League, waxayna gaareen 92 gool, isaga oo dhaafay tirada goolasha lagu diiwaan galiyay magaca halyeeyga kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer, kaasoo ka dhaliyay 91 gool horyaalka Ingiriiska.

Sidoo kale goolka Ronaldo uu ka dhaliyay kooxda Burnley ayaa waxay sarre u qaaday tirada kooxihii uu goolasha ka dhaliyay, waxayna noqotay kooxdii 121-aad ee xirfadiisa ciyaareed oo kooxo kala duwan uu u soo ciyaaray, waana rikoor weyn oo xaqiijinaya qiimaha weyn oo uu ku raaxeysanayo Cristiano.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close