“Kuma faraxsani Chelsea!” – Lukaku oo dab ku sii shiday tababare Thomas Tuchel

(London) 31 Dis 2021. Weeraryahanka Chelsea ee Romelu Lukaku ayaa muujiyay sida aanu ugu qanacsanayn qaabka ay kooxda uga hoos ciyaarayso tababare Thomas Tuchel.

Lukaku ayaa ku soo laabtay Chelsea suuqii xagaaga ee la soo dhaafay, wuxuuna kaga soo biiray Inter Milan, kaddib markii uu ku hoggaamiyay Nerazzurri inay ku guuleysato horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkii 2020/21.

Wargeyska The Sun ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay weeraryahanka kooxda Chelsea ee Romelu Lukaku, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Jir ahaan anigu qaab ciyaareed fiican ayaan ku jiraa, laakiin kuma faraxsani xaalada Chelsea.”

“Thomas Tuchel.wuxuu doortay inuu ku ciyaaro nidaam kale, kama quusan doono, waxaana noqon doonaa xirfadle.”

“Kuma faraxsani xaaladda, laakiin waxaan ahay xirfadle, mana quusan doono hadda.”

“Waxa aan u malaynayaa in wax walba oo xagaagii hore dhacay aanay ahayn in ay sidan oo kale u dhacaan.”

“Qaabka aan uga soo tagay Inter iyo sida aan ula xiriiray taageerayaasha kooxda waa waxa i dhibaya sababtoo ah ma ahayn waqtigii saxda ahaa.”

“Hadda waa waqtigii aan muujin lahaa dareenkeyga, mar walba waxaan dhihi jiray Inter waxay ku jirtaa qalbigeyga, waana ogahay inaan ku laaban doono Inter, runtii sidaas ayaan rajeynayaa”

“Runtii waxaan qalbigayga ka rajaynayaa in aan ku laabto Inter, ma aha dhamaadka xirfadayda, laakiin waqti aan weli heer sare joogo si aan wax badan ugu guuleysto.”

“Waxaan rabaa inaan raali galiyo taageerayaasha Inter, waqtiga hadalkaygu wuxuu ahaa mid qaldan, waxaad ii sameyseen waligeey waa xasuusnaan doonaa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close