Xiddigaha xulka qaranka Masar uga qeyb-galaya Koobka AFCON 2021 oo lagu dhawaaqay… (Salah & Elneny oo ku jira)

(Cairo) 30 Dis 2021. Macallin Carlos Queiroz ayaa ku dhawaaqay liiska kama dambeysta ee 25-ka xiddig ee uga qeyb galaya xulka qaranka Masar koobka qarammada Afrika ee AFCON 2021, waxaana hoggaaminaya Mohamed Salah, Mohamed El-Shennawy iyo Mohamed Elneny.

Xiddiga Saudi Arabia ka ciyaara ee Ahmed Hegazi, midka ka tirsan VFB Stuttgart ee Omar Marmoush iyo laacibka khadka dhexe Pyramids ee Ramadan Sobhi ayaa sidoo kale ka soo muuqdan liiskan xulka Egypt.

Waxaa sidoo kale liiskan ku jira xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Aston Villa ee Mahmoud “Trezeguet” Hassan, kaasoo dhowaan dib ugu soo laabtay garoonka kaddib dhaawac jilibka ah oo uu garoommada kaga maqnaa muddo sanad ah.

Waxaa iyaguna boosaskooda helay daafaca Zamalek ee Mahmoud Hamdy El-Wensh iyo kan Al Ahly ee Akram Tawfik.

Xulka Waqooyiga Afrika ka socda ayaa markiisii 25-aad ka soo muuqanaya koobka qarammada qaaradda Afrika, iyagoo tiro siddeed jeer ah ku guuleystay Koobkan.

Egypt ayaa kulankooda furitaanta tartankan waxa ay garoonka Roumde Adjia Stadium ee Garoua kula ciyaari doonaan xulka Nigeria 11-ka bisha Janaayo.

Afar maalmood kaddib ayayna isla garoonkan kula ciyaari doonaan xulka Guinea Bissau ka hor inta aysan xulka Sudan kula ciyaarin garoonka Stade Ahmadou Ahidjo ee Yaounde 19 isla bisha Janaayo.

Liiska xiddigaha xulka qaranka Egypt ee ka qeyb galaya Koobka qarammada Afrika ee lagu sanadka 2022 lagu qabanayo dalka Cameroon isagoo wata magaca AFCON 2021 halkaan hoose ka eeg:-

Goolhayeyaasha: Mohamed El-Shennawy (Al Ahly, Egypt), Mohamed Sobhi (Pharco, Egypt), Mohamed Abogabal (Zamalek, Egypt), Mahmoud Gad (Enppi, Egypt).

Daafacyada: Ahmed Fatouh, Mahmoud Alaa, Mahmoud Hamdy El-Wensh (all Zamalek, Egypt), Ayman Ashraf, Akram Tawfik, (both Al Ahly), Omar Kamal, Mohamed Abdel-Moneim (both Future, Egypt), Ahmed Hegazi (Ittihad Jeddah, Saudi Arabia).

Khadka Dhexe: Hamdi Fathi, Amr El-Sulya (both Al Ahly, Egypt), Emam Ashour, Ahmed Sayed Zizo (both Zamalek, Egypt), Abdallah El-Said, Ramadan Sobhi (both Pyramids, Egypt), Mohamed Elneny (Arsenal, England), Omar Marmoush (VfB Stuttgart, Germany), Mohanad Lasheen (Tala’a El-Gaish, Egypt), Mahmoud Hassan Trezeguet (Aston Villa, England).

Weerarka: Mostafa Mohamed (Galatasaray, Turkey), Mohamed Sherif (Al Ahly, Egypt), Mohamed Salah (Liverpool, England).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close