Pep Guardiola oo taariikh u dhigay macallimiinta horyaalka Premier League kaddib guushii xalay ay kooxdiisa gaartay

(Manchester) 30 Dis 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa xalay guul dhib badan magaalada London kaga soo gaartay naadiga Brentford ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Premier League, waxaana guushaas taariikh weyn ku sameeyay hoggaamiyaheeda Pep Guardiola.

Guushii xalay ay gaartay Man City ayaa ka dhigan inay si xiriir ah u guuleysatay 10-kii ciyaarood ee lasoo dhaafay horyaalka Ingiriiska sida ay xaqiijinayaan ilaha xog uruurinta.

Tani ayaa sidoo kale ka dhigan inay Citizens 10 guul oo xiriir ah ka gaartay Premier League afar jeer oo kala duwan inta uu leylinayo macallinka reer Spain isagoo ah macallinkii ugu horreeyay taariikhda EPL ee 10 guul oo xiriir ah gaara afar jeer oo kala duwan, mana jiro macallin 10 guul oo xiriir ah gaaray wax ka badan labo jeer.

Si kastaba ha ahaatee, guushaan ayaa sidoo kale ka caawiyay inay difaacdayaasha horyaalka ay sii dheereystaan dhibcaha hoggaanka iyagoo siddeed dhibcood oo nadiif ah ka sarreeya kooxda kusoo xigta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close