“Koobka AFCON ii keena ama lacagteyda ii soo celiya” – Mid ka mid ah Madaxweynayaasha Afrika u hanjabay xiddigaha xulkiisa!

(Conakry) 30 Dis 2021. Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalka Guinea, Korneel Mamady Doumbouya ayaa ka dhawaajiyay in cawaaqib xumo ay ka dhalan doonto haddii xulkiisa qaranka uu ku guuldareysto inuu wacdaro ka dhigo koobka qarammada Afrika ee AFCON.

Waxa uu sheegay Korneel Mamady in xulka qaranka uu dib u soo celin doono lacag kasta oo la galiyay haddii ay ku guul daraystaan inay ku guuleystaan tartankan Koobka qarammada qaaradda Afrika.

Xulka lagu naynaaso Syli Nationale ayaa Guruubka B ee Koobka qarammada Afrika ee AFCON kula jira xulalka Malawi, Senegal iyo Zimbabwe.

Xulka Guinea ayaan sidoo kale weligood ku guuleysan koobka AFCON, heerkoodii ugu fiicnaa oo ay tartankan ka gaareen waxa uu ahaa mar ay kaalinta labaad ka galeen oo laga qaaday sanadkii 1976-kii, markaasoo uu ku guuleystay xulka Morocco.

Si kastaba ha noqotee, Madaxweyne Doumbouya ayaa xulka u xilsaaray in ay koobka ku guuleystaan ama ay halis ugu jiraan in ay dib u soo celiyaan lacag kasta oo la geliyo.

“Koobka keena ama dib u soo celiya lacagtii la idin geliyay,” Madaxweynaha Guinea ayaa sidaas u sheegay ciyaartoyda xulkiisa sida ay soo xigatay African Insider.

Xulka Guinea ayaa kulankooda furitaanka AFCON 2021 waxa ay la ciyaari doonaan Malawi, waxaana hoggaamin doona xiddiga kooxda Liverpool ee Naby Keita.

Liiska xiddigaha xulka qaranka Guinea ee ka qeyb galaya Koobka qarammada Afrika ee lagu sanadka 2022 lagu qabanayo dalka Cameroon isagoo wata magaca AFCON 2021 halkaan hoose ka eeg:-

Goolhayeyaasha: Aly Keita (Ostersund, Sweden), Ibrahima Kone (Hibernians, Malta), Moussa Camara (Horoya, Guinea).

Daafacyada: Saidou Sow (St Etienne, France), Ibrahima Conte (Niort, France), Florentin Pogba (Sochaux, France), Ousmane Kante (Paris FC, France), Mohamed Aly Camara (Young Boys, Switzerland), Pa Konate (Botev Plovdiv, Bulgaria), Issiaga Sylla (Toulouse, France), Antoine Conte (Universitatea Craiova, Romania), Mikael Dyrestam (Sarpsborg 08, Norway).

Khadka dhexe: Amadou Diawara (Roma, Italy), Ibrahima Cisse (Seriang, Belgium), Mory Konate (Sint-Truidense, Belgium), Ibrahima Sory Conte (Bnei Sakhnin, Israel), Ilaix Moriba (RB Leipzig), Mamadou Kane (Neftci, Azerbaijan), Morlaye Sylla (Horoya, Guinea), Aguibou Camara (Olympiacos, Greece), Naby Keita (Liverpool, England).

Weerarka: Seydouba Soumah (Kuwait SC, Kuwait), Morgan Guilavogui (Paris FC, France), Mamadou Diallo (Grenoble, France), Jose Kante (Kairat, Kazakhstan), Mohamed Bayo (Clermont France), Sory Kaba (OH Leuven, Belgium).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close