Wakiillada Philippe Coutinho oo ku wajahan dalka Ingiriiska iyagoo wada-xaajood kula balansan naadiga…

(Barcelona) 28 Dis 2021. Wakiillada laacibka khadka dhexe uga ciyaara naadiga Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa lasoo warinayaa inay ku wajahan yihiin dalka England si ay wada-xaajood ku aaddan iibka laacibkan ula furaan kooxda kubadda cagta Arsenal.

29-sano jirkan ayaanan qayb ka ahayn qorshaha macallinka Barca ee Xavi Hernandez, waxaana la fahansan yahay in kooxaha Premier League ka ciyaara ee Tottenham iyo Arsenal ay isku garbinayaan saxiixiisa iyadoo Mikel Arteta uu kooxdiisa ka dalbaday inay usoo gacan geliyaan kubbad sameeyihii hore ee Liverpool.

Haatan, sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ah ee Sportwakiillada Coutinho ayaa u boorso xiranaya magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska iyagoo Gunners kala doodaya ugu yaraan inay dhammeeyaan heshiis amaah ah oo uu xiddigan ugu laabanayo horyaalka Ingiriiska.

Si kastaba ha ahaatee, laacibka reer Brazil ayaa kaliya shan kulan ugu soo bilawday Barcelona horyaalka La Liga isagoo dhaliyay kaliya labo gool, waxaase uu ahaa baddel aanan la adeegsan labadii ciyaarood ee ugu dambeeyay horyaalka Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close