Real Madrid oo Chelsea u bandhigeysa heshiis is-dhaafsi ah oo uu Eden Hazard ugu laabanayo Blues… (Waa kee xiddiga ay Los Blancos dooneyso inay dhanka kale kasoo qaadato?)

(Madrid) 28 Dis 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa sida ay wararku sheegayaan qorsheyneysa inay Eden Hazard kaga faa’ideysato heshiis is-dhaafsi ah oo ay Chelsea kaga dooneyso inay kaga soo qaadato difaaca garabka midig ka ciyaara ee Reece James.

Reece James bottle-thrower will be banned, Arsenal insist

Los Blancos ayaa raadineysa xiddig ay ku kabto isla markaasna ay tartan la geliso difaaceeda midig ee Dani Carvajal, waxaana ay taasi kooxda reer Spain ku dhalisay xiisaha ay haatan u muujineyso James kaasoo haatan ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan shaxda Macallin Thomas Tuchel.

Sida laga soo xigtay warsidaha El Nacional, Real Madrid ayaa ka caga jiideysa inay miiska saarto qiimaha ay Blues ku dooneyso iibk difaaceeda midig oo ah 60 milyan oo euro, sidaas darteedna, waxay qorsheyneysaa inay dhiggeeda ku qanciso inay dib ugu celiso Hazard oo ay xagaagii 2019 kala soo wareegtay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa adag inuu qorshahan u hagaago Chelsea sida uu warsidaha sheegay maadaama Roma Abramovic oo ah mulkiilaha kooxda ka dhisan Galbeedka London uu diyaar u yahay inuu James heysto wax walba ay ku qaadato xilli uusan dhinaca kale xiiso u heyn dib ula soo saxiixashada kabtanka xulka Belgium.

Chelsea FC on Twitter: "💪 @ReeceJames69 x @HazardEden10  https://t.co/SJ3ifP1ouq" / Twitter

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close