RASMI: Ben Chilwell oo ka maqnaan doona kooxda Chelsea inta ka dhiman xilli ciyaareedka

(Chelsea) 28 Dis 2021. Chelsea ayaa sababa la xiriira dhaawac dartiis ku weyn doonta adeega mid ka mid ah xiddigaheeda ugu muhiimsan ee dhanka dhaafaca ilaa iyo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Shabakadda “Goal” ayaa sheegtay in Ben Chilwell uu u baahan yahay inuu maro qaliin si loo soo afjaro dhibaatada dhaawaca ka soo gaaray Jilibka, sidaas darteed kooxda waxay go’aansatay in laacibka uu maro qaliinkaas si uu uga maqnaado ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka.

Ben Chilwell ayaa ku dhawaacmay kulankii ay kooxaha Chelsea iyo Juventus ku wada ciyaareen kulammada shanaad ee heerka guruubyada Champions League bishii hore, tan iyo markaas wuxuu ka maqnaa garoomada.

Shabakadda ayaa intaa ku dartay in Chelsea ay ku qasban tahay inay ku tiirsanaato adeegga mid ka mid ah ciyaartoydeeda ay amaahda ku bixisay si ay uga maaranto maqnaanshaha Ben Chilwell ilaa dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Brazil ee Emerson Palmieri, oo amaah lagu siiyay kooxda Faransiiska ka dhisan ee Lyon, ayaa noqon doona musharaxa ugu horreeya ee bedelaya Ben Chilwell.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close