Leicester City oo garoonkeeda King Power guul kaga gaartay Liverpool… +SAWIRRO

(Leicester) 28 Dis 2021. Leicester City ayaa garoonkeeda King Power guul kaga gaartay kooxda Liverpool, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0 ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Leicester City iyo Liverpool ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 59-aad kooxda Leicester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Ademola Lookman kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Dewsbury-Hall.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 ay kaga adkaatay Leicester City kooxda Liverpool oo marti ugu ahayd garoonka King Power, Reds ayaa ku guuldarreysatay inay u dhawaato Manchester City oo leh 47 waxayna ka hooseysaa 6 dhibcood nadiif ah.

SAWIRRO:

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close