Newcastle United oo taako u dhigtay Manchester United oo marti ugu ahayd garoonka St. James’ Park… +SAWIRRO

(Newcastle) 27 Dis 2021. Newcastle United ayaa taako u dhigtay Manchester United oo marti ugu ahayd garoonka St. James’ Park, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Newcastle United.
Daqiiqadii 7-aad kooxda Newcastle United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda Allan Saint-Maximin kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Sean Longstaff.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
71 daqiiqo marka ay ciyaarta sii socotay Manchester United ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay weeraryahankooda Edinson Cavani.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Newcastle United iyo Manchester United, kaddib ciyaar xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka St. James’ Park.
SAWIRRO:
Gool FM.