Hazard iyo Marcelo oo hoggaaminaya lix xiddig oo ay Real Madrid iska iibineyso suuqa January

(Madrid) 27 Dis 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa qorsheyneysa inay iska iibiso lix ciyaaryahan oo kooxdeeda koowaad ka tirsan suuqa kala iibsiga bisha Janaury kaasoo toddobaadka dambe si rasmi ah u furmi doona.

Gareth Bale iyo Isco ayaa ah magacyada ugu horreeya ee diiwaanka ka kooban lixda ciyaaryahan kuwaasoo laga iibinayo garoonka Santiago Bernabeu bisha January sida laga soo xigtay wargeyska MARCAwaxaana uu intaas ku daray in Macallin Carlo Ancelotti uusan qorshaha ku darsan inuu adeegsado labadan xiddig xilli ciyaareedkan.

Wargeyska ayaa intaas ku daray inay Los Blancos dhageysaneyso dalabaadka u imaanaya Marcelo, Eden Hazard, Mariano Diaz iyo Luka Jovic inkastoo qaar ka mid ah xiddigahan uu marmar adeegsado macallinka Taliyaaniga ah.

Si kastaba ha ahaatee, dhinaca kale, qandaraaska Luka Modric ee Real Madrid ayaa dhici doona xagaaga dambe ee 2022, waxaase lasoo warinayaa in kabtanka xulka qaranka Croatia uu saxiixi doono heshiis kordhin muddo gaaban ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close