RASMI: Xasan Santos oo ku biiray Kooxda Elman… + SAWIRRO

(Muqdisho) 26 Dis 2021. Xiddigii hore ee kooxda kubadda cagta Mogadishu City Club, Xasan Maxamed Cabdi (Xasan Santos) ayaa ka mid noqday naadiga Elman.

Laacibkan ayaa wakhti fiican la soo qaatay Kooxda MCC, isagoo kula soo guuleystay horyaalka Somali Premier League, wuxuuna kooxda Mogadishu City Club kaga soo biiray naadiga Dekedda.

Ciyaaryahankan khadka dhexe ka ciyaara ee Xasan Santos ayaa maanta lagu soo bandhigay xerada tababarka kooxda Elman oo ka ciyaaraysa sanadka horyaalka heerka labaad ee Soomaaliya, xilli saxaafaddu ay bannaan-joog ka ahaayeen soo bandhigistiisa.

Xasan Santos ayaana heshiis labo sanadood ah qalinka ugu duugay Kooxda kubadda cagta Elman.

Halkaan hoose ka eeg sawirrada Xasan Santos oo ku biiray Elman, iyadoo Sawirradaan ay Saxaafadda la wadaagtay Kooxdiisa cusub ee Jaallayaasha:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close