RASMI: Saddex ka mid ah xiddigaha Kooxda Arsenal oo laga helay Korona Fayras

(London) 26 Dis 2021. Saddex ka mid ah xiddigaha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la xaqiijiyey in laga helay xanuunka saf mareenka ah ee Korona Fayras, waxaana ay seegi doonaan kulanka maqribnimada maanta ay kooxdoodu la ciyaari doono Norwich ee horyaalka Premier League.

Xiddigaha Arsenal ee Tomiyasu, Cedric & Maitland-Niles ayaa laga helay KOFID 19, sida goordhow la xaqiijiyey, waxaana laga saaray safka xiddigaha Gunners ee wajahaya Norwich City.

Kooxda ka dhisan Magaalada London ee Arsenal ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay: “Cedric, Tomiyasu iyo Maitland-Niles ayaa dhammaantood seegi doona kulanka maanta kaddib markii laga helay Kofid 19.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close