RASMI: Goolhayihii hore ee Kooxda Gaadiidka oo ku biiray Elman… + SAWIRRO

(Muqdisho) 26 Dis 2021. Kooxda kubadda cagta Elman ayaa maanta xarunteeda tababarka ku soo bandhigtay Goolhayihii hore ee naadiga Gaadiidka Maxamed Maxamuud Xuseen Kamsaro.

Laacibkan ayaa shabaqa u ilaalinayey Kooxda Gaadiidka, isagoo Goolhayahan sidoo kale ka mid ahaa xiddigihii ka soo muuqday tartankii Gobollada Soomaaliland.

Xilli ciyaareedkii dhammaaday ayuu Goolhaye Kamsaro qeyb ka ahaa Kooxda Gaadiidka, waxaana uu maanta ka mid noqday Naadiga Elman oo sanadkan ka ciyaaraysa horyaalka heerka labaad ee Soomaaliya.

Goolhaye Maxamed Maxamuud Xuseen Kamsaro ayaa heshiis labo sano ah qalinka ugu duugay kooxda Jaallayaasha ee Elman.

Waa saxiixii labaad oo ay kooxda Elman maanta sameysay, iyadoo sidoo kale la wareegtay laacibkii khadka dhexe ee Mogadishu City Club ee Xasan Santos oo isaguna qandaraas labo sano ah qalinka ugu duugay Kooxda lagu naanayso Jaallayaasha.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close