Arsenal oo si sahlan saddexda dhibcood kaga soo heshay kooxda Norwich City oo ay ku booqatay garoonka Carrow Road

(Norwich) 26 Dis 2021. Arsenal oo saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Norwich City oo ay ku booqatay garoonka Carrow Road, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-5, xilli kulan uu qeyb ka ahaa kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaaineysay kooxda martida ahayd ee Arsenal.

Daqiiqadii 6-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Bukayo Saka waxaana goolkan ka caawiyay Martin Ødegaard.

44 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Kieran Tierney oo caawin ka helay saaxiibkiis Martin Ødegaard ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Arsenal.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 67-aad B. Saka oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis A. Lacazette ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Arsenal.

84 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Arsenal ayaa hoggaanka ciyaarta sii dheereysatay kaddib markii loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Lacazette

90 + 1′ E. Smith-Rowe ayaa ciyaarta ka dhigay 0-5 ay ku hoggaamineysay kooxda Arsenal.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-5 ay kaga soo adkaatay Arsenal, kooxda Norwich City oo ay ku booqatay garoonka Carrow Road, Gunners ayaa kaddib guushan ay gaartay waxay ku jirtaa kaalinta afaraad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, waxayna leedahay 35 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close