Xiddiga Leeds ee Raphinha oo ku dhow inuu ka fara-baxsado kooxaha ka dhisan Ingiriiska isagoo ku dhow inuu 50 milyan oo euro ugu biiro naadiga…

(Leeds) 25 Dis 2021. Kooxda kubadda cagta Leeds United ayaa lagu soo warramayaa inay qarka u saaran tahay inay lumiso xiddigeeda muhiimka ah ee Raphinha kaasoo si aad ah looga doonayo suuqa kala iibsiga, waxayna haatan wararka qaar sheegayaan inay naadigiisa ku dhowdahay inay Bayern Munich kula heshiiso qiimo 50 milyan oo euro ah oo ku aaddan iibkiisa.

Laacibka reer Brazil ayaa ku dhow inuu bisha January u dhaqaaqo dalka Jarmalka isla markaana uu ka tallaabo kooxaha ka ciyaara Premier League ee u muujinayay xiisaha sida Liverpool iyo Manchester United xilli Leeds ay u dhowdahay inay aqbasho yabooha Bayern ee ku kacaya 50 milyan oo euro sida TNT Sports laga soo xigtay.

Kooxda heysata horyaalka Bundesliga ayaa dooneysa inay 25-sano jirkan garabka ka ciyaara ay ku buuxiso booska la filayo inuu faarujiyo Kingsle Coman kaasoo hakad geliyay wada-xaajoodkii heshiis kordhinta ahaa ee uu kula jiray kooxdiisa isla markaana la filayo in suuqa xagaaga dambe laga iibiyo gegada Allianz Arena.

Si kastaba ha ahaatee, Raphinha ayaa ka mid ah xiddigaha ugu farsamada badan ee ka xamaasha horyaalka Ingiriiska tan iyo markii uu Leeds kaga soo biiray naadiga Faransiiska ah ee Rennes xagaagii 2020.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close