Wargeys kasoo baxa dalka Spain oo shaaciyay xilliga uu Ousmane Dembele hesiiska cusub u saxiixayo Barcelona iyo sanadaha qandaraaskiisa cusub

(Barcelona) 25 Dis 2021. Naadiga Barcelona ayaa aad ugu dhow inay ka miro dhaliso qorshihii ay heshiiska ugu kordhineysay laacibkeeda garabka ka ciyaara ee Ousmane Dembele iyadoo lagu wado inay si rasmi ah u shaaciso qandaraaskiisa cusub maalmaha soo aaddan ama inta lagu gudo jiro toddobaadkan.

Heshiiska uu Dembele ku joogo garoonka Camp Nou ayaa dhici doona bartamaha sanadka soo aaddan ama dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana ay haatan Barca rajo fiican ka leedahay heshiis kordhinta xiddigan maadaama lagu guuleystay qodobbadii ugu muhiimsanaa wada-hadalladii socday.

Haatan, wargeyska Sport ee kasoo baxa magaalada Barcelona ayaa sheegay in laacibka Faransiiska ah uu diyaar u yahay sii joogista kooxda uu hoggaamiyo Macallin Xavi Hernandez isla markaana uu heshiis shan sanadood ah qalinka dul dhigo maalmaha nagu soo fool leh, waxaana sidoo kale jirta inuu aqbalay inuu dhimo mushaharkiisa.

Wargeyska ayaa intaas ku daray in imaanshaha Xavi uu sal dhig u ahaa inuu 24-sano jirkan aragti fiican ka qaato mustaqbalkiisa Barca isla markaana uu xirfaddiisa ku sii qaato naadiga Barcelona maadaama uu saddexdii ciyaarood ee lasoo dhaafay horyaalka La Liga uu wada ciyaaray xilli uu goolal caawiyay kulammadii uu wajahay Elche iyo Sevilla.

Xavi is 'trying hard to convince' Newcastle target Dembele to stay at  Barcelona

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close