Barcelona oo xiiseyneysa xiddig muhiim ah ee ka tirsan Man City, mana ahan Ferran Torres

(Barcelona) 25 Dis 2021. Barcelona ayaa qorsheyneysa inay ciyaaryahan cusub kala soo wareegto Manchester City inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee jiilaalka.

Warar dhowr ah ayaa sheegaya in Barcelona ay go’aansatay inay 55 million euros kula soo wareegto weeraryahanka kooxda Manchester City ee Ferran Torres, waxaana heshiiska si rasmi ah loo shaacin doonaa Isniinta soo socota.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Express” ee dalka England, heshiiska Torres kama hor istaagin kooxda Barcelona inay sii wado raadinta heshiiska ay dooneyso inay kula soo wareegto Raheem Sterling bisha January.

Wararka ka imaanaya England ayaa waxay intaas ku darayaan in Barcelona laga yaabo inay sii laba jibaarto olalaha ay ku dooneyso inay ku dhameystirto labada heshiis ay ka dooneyso kooxda Manchester City.

Barcelona keen to add Raheem Sterling to Ferran Torres capture, Chelsea eye  Aurelien Tchouameni move - Transfer Notebook - Eurosport

Wargeyska “Express” ayaa tilmaamay inuu soo hogaagay qaab ciyaareedka  Raheem Sterling ee kooxda Manchester City dhawaanahan, maadaama ciyaaryahanka reer England uu dhaliyay 3 gool 3-dii kulan ee ugu danbeysay.

Si kastaba ka noqotee, joogitaanka kooxda Manchester City ee Phil Foden iyo Jack Grealish oo ay isku boos yihiin Raheem Sterling, laga yaabo inay ka dambeyso fikrada uu ugu biirayo Barcelona, si uu u helo fursad weyn uu kaga qeyb galo kulammada.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close