Arsenal oo todobo xiddig fasaxeysa bisha January… (Miyuu ku jiraa Aubameyang?)

(London) 25 Dis 2021. Wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska ayaa sheegaya inay kooxda kubadda cagta Arsenal fasaxeyso suuqa January illaa iyo todobo xiddig kuwaasoo ku tagi doono kaliya heshiisyo amaah ah.

Safka Gunners ayaa waxaa buux dhaafiyay xiddigo badan oo dhallinyaro ah kuwaasoo fursaddooda ciyaareed ay noqotay kaliya ka qayb-qaadashada tartanka EFL Cup, waxaana Macallin Mikel Arteta uu doonayaa in dhallinyaradaan ay soo qaataan waayo-aragnimo ku filan isla markaana ay helaan ciyaaris joogto ah.

Sida laga soo xigtay wargeyska Football.london, Folarin Balogun, Tim Akinola, Zak Swanson, Omar Rekik, Ben Cottrell, James Olayinka iyo Ryan Alebiosu ayaa dhammaantood si ku meel gaar ah looga fasaxay Emirates iyadoo ay Arsenal u raadineyso heshiisyo amaah ah.

Dhanka kale, kooxda ka dhisan Waqooyiga magaalada London ayaa suuqa January beec u raadineysa weeraryahankeeda Pierre-Emerick Aubameyang kaasoo ay isku dhaceen maamulka naadiga iyo Macallin Arteta kaddib markii uu jebiyay xeer u yaallay xiddigaha Arsenal taasoo keentay in laga qaado xilkiisii kabtannimo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close