Alexander-Arnold oo si cad u sheegay xiddigii ugu adkaa uu ku wajahay kubadda cagta

(Liverpool) 25 Dis 2021. Laacibka reer England iyo kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa doortay heshiisyada uu ku riyoonayo inay la soo saxiixato Reds.

Wargeyska Mirror ee dalka England ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Alexander-Arnold:

“Haddii kooxda ay haysato lacag ku filan, waxaan ku dari laha xiddigaha Manchester City iyo Tottenham Kevin De Bruyne iyo Son Heung-min.”

“Aad ayaan ula dhacsanahay De Bruyne ciyaaryahan ahaan, sababtoo ah aragtidiisa garoonka dhexdiisa, waxaa intaas u sii dheer tayadiisa waa ciyaaryahan wanaagsan, wuxuuna fursadaha u abuuraa si sabsi leh.”

“Son Heung-min sidoo kale waa ciyaaryahan fiican, wuxuu gaar ku yahay xawaaraha, geesinimada iyo dhamaystirka weerarada.”

Intaas kaddib Alexander-Arnold ayaa wuxuu ka hadlay laacibkii ugu adkaa uu ku wajahay kubadda cagta, wuxuuna yiri:

“Ciyaaryahankii ugu adkaa ee aan wajaho? Eden Hazard aad ayuu u xirfad badan yahay oo aad buu u dheereeyaa, marka runta la sheego ma jirto meel uu daciif ka yahay.”

“Wuxuu dhameystiray qaab ciyaareedkiisa waqtigii aan wajahay isaga, wuxuu ahaa ciyaaryahan aan caadi aheyn dhan walba, wayna adagtahay in laga hortago”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close