Juventus oo shuruud ku xirtay heshiiska ay dooneyso inay kula soo saxiixato Aubameyang

(turin) 24 Dis 2021. Juventus ayaa shuruud ku xidhay saxiixa weeraryahanka reer Gabon iyo kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang, si ay ula soo wareegto suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Jilaalka.

Bianconeri waxay dooneysaa inay Aubameyang kula soo wareegto qaab amaah ah, maadaama aysan heysan lacago ku filan ay ku soo gabagabeyn karto heshiiska sida laga soo xigtay shabakada Football Italy ee dalka Talyaaniga.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa xaalad adag kaga sugan Arsenal kaddib markii dhawaan laga saaray liiska xiddigaha kooxda isla markaana laga qaaday calaamada kabtanimo, iyada oo laga war qabo in qandaraaskiisa Gunners uu dhacayo June 2023.

Aubameyang ayaa horay u joogay Talyaaniga in muddo ah isagoo ku sugnaa akadeemiyada da’ayarta ee Milan kahor inta uusan u bixin kooxda Faransiiska ka dhisan ee Saint-Etienne bishii Janaayo 2012.

Xaalada adag ee dhaqaale oo ay Juventus ku jirto, Bianconeri ma awoodi doonto inay gudbiso dalab ay kula soo wareegto Aubameyang, marka laga reebo haddii lagu heli karo amaah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close