Real Madrid oo guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Athletic Bilbao oo ay ku booqatay garoonka San Mamés… +SAWIRRO

(Bilbao) 22 Dis 2021. Real Madrid ayaa guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Athletic Bilbao oo ay ku booqatay garoonka San Mamés, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Real Madrid.

Daqiiqadii 4-aad kooxda Real Madrid ayaa durba hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Karim Benzema waxaana goolka ka caawiyay Toni Kroos.

7 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Karim Benzema ayaa markale gaaray shabaqa kooxda Athletic Bilbao, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay Real Madrid.

Laakiin 10 daqiiqo marka ciyaarta mareysay kooxda Athletic Bilbao ayaa dhalisay gool kaddib markii uu 1-2 dheesha ka dhigay laacibkooda Oihan Sancet, waxaana ka caawiyay goolkan Óscar de Marcos.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay kooxda Athletic Bilbao oo ay ku booqatay garoonka San Mamés, Los Blancos ayaa ku hoggamineysay miiska kala sarreynta horyaalka Spain 46 dhibcood, waxayna 8 dhibcood nadiif ah ka sarreysaa kooxda ku soo xigta ee Sevilla.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close