Barcelona, Manchester United iyo Real Madrid oo ku dagaallamaya saxiixa xiddig ka tirsan Bayern Munich

(Munich) 22 Dis 2021. Qaar ka mid ah kooxaha ugu waaweyn qaaradda Yurub oo ay ku jiraan Barcelona iyo Real Madrid ayaa sida la sheegay weerar ku ah kooxda kubadda cagta Bayern Munich iyagoo beegsanaya xiddiga baxsadka ka ah ee Kingsle Coman kaasoo sidoo kale ay dooneyso naadiga Manchester United.

Virals: Bayern Munich considering sale of Liverpool target Kingsley Coman -  Read Liverpool

25-sano jirka garabka ka ciyaara ayaa wada-xaajood heshiis kordhin ah kula jira kooxdiisa Bayern xilli qandaraaskiisa haatan uu dhacayo June 2023, waxayna kooxahan kursi gaaban ugu fadhiyaan inay ka faa’ideystaan haddii ay labada dhinac heshiis wada gaari waayaan sida Mundo Deportivo laga soo xigtay.

Wargeyska kasoo baxa Spain ayaa intaas ku daray in arrinta wali la isku fahmi la’ yahay ay tahay mushaharka Coman maadaama uu dalbanayo inuu sanadkii heli mushahar dhan 17 milyan oo gini, halka Bavarians ay kaliya diyaar u tahay inay mushaharkiisa sanadlaha ah ka dhigto 12.7 milyan oo gini sanadkii.

Si kastaba ha ahaatee, saddexda naadi ayaa isu diyaarinaya dagaal suuqa kala iibsiga ah xagaaga soo aaddan maadaama ay kooxda Jarmalka ah iska iibineyso laacibka reer France haddii uu heshiis cusub saxiixi waayo maadaama ay ka baqaneyso inay bilaash ku lumiso xilli ciyaareedka xiga dhammaadkiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close