Real Madrid oo kooxaha Ingiriiska kula dagaallameysa saxiixa Kounde & Xiddig ka tirsan Los Blancos oo fududeynaya inuu difaacan usoo dhaqaaqo caasimadda Spain

(Madrid) 21 Dis 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lasoo warinayaa inay kusoo biirtay raacdada ay kooxaha Chelsea iyo Manchester United ugu jiraan saxiixa difaaca naadiga Sevilla ee Jules Kounde iyadoo dooneysa inay u dhaqaaqo suuqa January ee soo aaddan.

23-sano jirkan difaaca dhexe ka ciyaara ayaa aad ugu dhowaaday inuu Sevilla ka hayaamo suuqii xagaaga isagoo bartilmaameed xooggan ahaa kooxaha Premier League, waxaana wali xusul duub ugu jirta Blues oo dooneysa inay difaaceeda ku xoojiso maadaama ay halis ugu jirto inay bilaash ku lumiso inta ugu badan difaacyadeeda dhexe maadaama ay qandaraasyadooda dhici doonaan dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, warisdaha El Nacional ayaa baahiyay inay Los Blancos kusoo biirtay doonista xiddigan Faransiiska ah si ay ugu adkeyso waaxda difaaceeda.

Fursadda ay Madrid dheertahay kooxaha Ingiriiska ah ayaa ah inay naadiga ka dhisan gobolka Andalusia xiiseyneyso Mariano Diaz oo ka mid ah xiddigaha la hilmaamay ee ka xamaasha Santiago Bernabeu, waxayna kooxda Macallin Carlo Ancelotti sidaas darteed dooneysaa inay Mariano iyo lacag isugu darto Sevilla si ay uga soo qaadato Kounde.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close