Daafac ka tirsan Chelsea oo ay saxiixiisa doonaysay Barcelona oo raba inuu la sii joogo Kooxdiisa… (Waa kee?)

(London) 21 Dis 2021. Daafac ka tirsan kooxda kubadda cagta Chelsea, kaasoo ay saxiixiisa doonaysay naadiga Barcelona ayaa la soo warinayaa inuu rabo inuu la sii joogo kooxdiisa ka dhisan Galbeedka magaalada London.

Cesar Azpilicueta ayaa doonaya inuu sii joogo Magaalada London oo uu u dagaalo booskiisa, iyadoo mustaqbalkiisa Chelsea uu shaki galay, isla markaana uu xiiso ka helayay Kooxda Barcelona.

Daafacan reer Spain ayaa beeca xorta ah noqon doonta xagaaga soo socda, laakiin Warsidaha The Athletic ayaa warinaya inuu rajeynayo inuu heshiis cusub oo sanado badan ah u saxiixo kooxda ku ciyaarta garoonka Stamford Bridge.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close