“Qofkii dhaleeceeya Messi waxba kama fahamsana kubadda cagta” – Agaasimaha ciyaaraha ee PSG

(Paris) 20 Dis 2021. Agaasimaha ciyaaraha Paris Saint-Germain ee Leonardo Araújo ayaa difaacay xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi, isagoo carabka ku adkeeyay in dadka dhaleeceeya Messi aysan waxba ka fahansanayn kubadda cagta.

Lionel Messi ayaa u dhaqaaqay Paris Saint-Germain xilli ciyaareedkan kaddib markii uu dhacay qandaraaskii uu kula jiray kooxda Barcelona.

Lionel Messi ayaa la kulmay dhaleeceyn kaddib markii uu ku biiray kooxda Paris Saint-Germain, sababa la xiriira inuusan soo bandhigin heerkiisii ​​caadiga ahaa, taasoo soo jiidatay dareenka qof walba oo ku sugan Barcelona.

Sida laga soo xigtay shabakada Goal Agaasimaha ciyaaraha Paris Saint-Germain ee Leonardo Araújo ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku difaacay Messi wuxuuna yiri:

“Xitaa kama shakin kartid awooda Messi, haddii aad bilowdo dood ku saabsan Messi, sababtoo ah ma aadan fahmin wax ku saabsan kubadda cagta.”

“Haddii aad eegto rikoorada Messi, lixdii bilood ee ugu horeysay waxay ahaayeen kuwo cajiib ah, isaga iyo Kylian Mbappe waxay ka qayb qaateen ku dhawaad ​​gool kasta oo kooxda ah, waa ciyaaryahan wax go’aamin kara.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close