Real Madrid oo barbaro la dhaafi weysay kooxda Cadiz oo marti ugu ahayd garoonka Santiago Bernabéu… +SAWIRRO

(Madrid) 19 Dis 2021. Real Madrid ayaa barbaro la dhaafi weysay kooxda Cadiz oo marti ugu ahayd garoonka Santiago Bernabéu, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 0-0 ah, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Real Madrid iyo Cadiz ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay barbardhac 0-0 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Real Madrid iyo Cadiz, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen Santiago Bernabéu, Los Blancos ayaa ku hoggaamineysa horyaalka Spain 43 dhibcood, waxay 6 dhibcood nadiif ah ka sarreysaa kooxda ku soo xigta ee Sevilla.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close