Manchester City oo dalab usoo bandhigtay halyeygeeda Sergio Aguero xilli uu dhowaan ka fariistay kubadda cagta isagoo ka tirsan Barcelona

(Manchester) 19 Dis 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lasoo warinayaa inay diyaarineyso yabooh uu halyeygeeda Sergio Aguero ugu soo laabanayo garoonka Stamford Bridge sida ay wararku sheegayaan.

Barcelona's Sergio Aguero announces retirement from football | Football  News | Al Jazeera

Wargeyska kasoo baxa dalka Argentina oo uu 33-sano jirkan kasoo jeedo ee Ole ayaa sheegay inay Man City dooneyso inay Aguero ka dhigto safiir caalami ah iyadoo ka faa’ideysanaysa maqaamka uu ku leeyahay taariikhda kooxdan iyo heerka uu xirfaddiisa kubadda cagta gaarsiiyay.

Laacibkii hore ee Atletico Madrid ayaa toddobaadkii hore si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu isaga fariistay kubadda cagta kaddib markii uu xanuun dhanka wadnaha ah soo weeraray taasoo keentay inuu soo af-jaro waayihiisa Barcelona isagoo u saftay kaliya shan kulan.

Si kastaba ha ahaatee, Aguero oo Etihad ku sugnaa 10 sano ayaa u saftay Manchester City 390 kulan isagoo u dhaliyay 260 gool, waxaana suuqii xagaagan uu si bilaash ah ugu biiray Barca, inkastoo Camp Nou uu noqday meesha uu kusoo af-meeray kubadda cagta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close