Man City oo guul sahlan ka soo heshay kooxda Newcastle United oo ay ku booqatay garoonka St. James’ Park… +SAWIRRO

(Newcastle) 19 Dis 2021. Manchester City ayaa guul ka soo heshay kooxda Newcastle United oo ay ku booqatay garoonka St. James’ Park, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-4, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada 18-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Manchester City.

Daqiiqadii 5-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Rúben Dias, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis João Cancelo.

27 daqiiqo marka ay dheesha mareysay João Cancelo oo caawin ka helay saaxiibkiis Riyad Mahrez ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 65-aad Manchester City ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta kaddib markii uu 0-3 ka dhigay laacibkooda Riyad Mahrez waxaana goolkan ka caawiyay Zinchenko.

86 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Raheem Sterling oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis Gabriel Jesus ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-4 ay ku hoggaamineysay Manchester City.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-4 ay kaga soo adkaatay Manchester City kooxda Newcastle United oo ay ku booqatay garoonka St. James’ Park, City ayaa wali hoggaamineysa dhanka kala sareynta horyaalka Premier League, waxayna leedahay 44 dhibcood.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close