Arsenal oo si sahlan saddexda dhibcood kaga soo heshay kooxda Leeds United oo ay booqatay… +SAWIRRO:

(Leeds) 18 Dis 2021. Arsenal ayaa si sahlan saddexda dhibcood kaga soo heshay kooxda Leeds United oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-4, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada 18-aad ee Premier League

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-3 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Arsenal.

Daqiiqadii 16-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Gabriel Martinelli kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Lacazette.

28 daqiiqo marka ay dheesha mareysay markale Gabriel Martinelli oo caawin ka helay Xhaka ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay Gunners.

Daqiiqadii 42-aad kooxda Arsenal ayaa waxay dheereysatay hoggaaminta dheesha waxaana 0-3 ka dhigay laacibkooda da’ada yar ee Bukayo Saka.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

75 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Leeds United ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool ka dhigay Raphinha, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 1-3.

Daqiiqadii 84-aad Smith-Rowe oo caawin ka helay saaxiibkiis Oedegaard ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 1-4 ay ku hoggaamineysay kooxda Arsenal.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-4 ay kaga soo adkaatay Arsenal kooxda Leeds United oo ay booqatay, Gunners oo aan wax kulan ah u baaqan ayaa waxay ku jirtaa booska afaraad ee dhanka kala sareynta horyaalka Premier League, waxayna leedahay 32 dhibcood.

SAWIRRO:

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close