Klopp oo ka hadlay fikirkiisa ku aadan suurtagalnimada lagu joojin karo horyaalka Premier League

(Liverpool) 17 Dis 2021. Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay suurtogalnimada ah in la joojiyo horyaalka Premier League ee dalka England, sababa la xiriira inuu markale ku faafay caabuqa Korona Fayras kooxo badan.

Liverpool ayaa kula ciyaari doonta kooxda Tottenham fiidnimada Axada ee soo socota, ciyaar ka tirsan kulammada Isbuuca 18-aad ee horyaalka Premier League.

Website Liverpool Echo ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay macalinka kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp, wuxuuna yiri:

“Kama soo horjeedo joojinta horyaalka, kaliya ma arko faa’iido 100% ee ah in la joojiyo marka loo eego in la sii wado.”

“Joojinta waxay ka dhigan tahay inaan joojinayno hadda muddo hal ilaa laba toddobaad ah, taasoo la macno ah 5 ilaa 6 kulan. Goorma ayaad doonaysaa inaad qabato iyaga?”

Intaas kaddib Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay kulanka ay la ciyaari doonaan Tottenham, wuxuuna yiri:

“Ma hayno macluumaad iyaga ku saabsan, wax fikrad ah kama haysto haddii ay maanta tababarka qaateen, ma hayo wax aan ka filayo iyaga.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close