Halyeeyga kooxda Chelsea ah oo weerar culus ku qaaday Bruno sababa la xiriira Ronaldo

(Manchester) 17 Dis 2021. Halyeeyga Chelsea Eiður Guðjohnsen ayaa weerar ba’an ku qaaday xiddiga Manchester United ee Bruno Fernandes sababa la xiriira inuu aad ugu tiirsan yahay laacibka ay isku wadanka ka soo wadajeedaan ee Cristiano Ronaldo kulamada ay ciyaareyso United-ka.

Ronaldo ayaa ku soo laabtay Manchester United suuqii xagaaga, taageereyaasha kooxdana aad ugu tiirsan tahay isaga si uu dib ugu soo celiyo masraxyada muddo dheer kaddib.

Wargeyska The Sun ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday hadalada  halyeeyga kooxda Chelsea ee Eiður Guðjohnsen, wuxuuna yiri:

“Waxay u muuqataa in Bruno Fernandes uu mar walba raadinayey Cristiano Ronaldo.”

“Sagaal ka mid ah 10-kii jeer wuxuu isku dayaa inuu helo Ronaldo, haddii ay taasi shaqayn waydana, wuxuu noqdaa mid aan dulqaad lahayn, wuxuuna bilaabaa inuu isku dayo waxyaabo aad u adag.”

At Manchester United, Bruno Fernandes is too reliant on Cristiano Ronaldo, according to ex-Chelsea striker Eidur Gudjohnsen.

“Marka loo eego qaabkii uu kaga soo bilowday United, waxaan dooneynaa inaan wax badan ka aragno Bruno Fernandes.”

Bruno Fernandes ayaa United ku soo biiray 2020 isaga oo kaga soo dhaqaaqay Sporting Lisbon, tan iyo markaas waxa uu Red Devils ka qayb qaatay 102 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan wuxuu dhaliyay 45 gool sidoo kale wuxuu 34 gool ka caawiyay saaxiibadiis.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close