Kooxaha Chelsea iyo Everton oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Stamford Bridge… +SAWIRRO

(London) 16 Dis 2021. Kooxaha Chelsea iyo Everton ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Stamford Bridge, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada 16-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Chelsea iyo Everton ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 70-aad kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Mason Mount oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Reece James.

Laakiin 74 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Everton ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Jarrad Branthwaite, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Anthony Gordon.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Chelsea iyo Everton, Blues ayaa ku jirta kaalinta saddexaad ee dhanka kala sareynta horyaalka Premier League waxayna leedahay 37 dhibcood.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close