Sergio Aguero oo goor dhow ku dhawaaqi doona ka fariisashadiisa ciyaaraha kubadda cagta… (Goorta uu go’aankiisa shaacin doono oo daaha laga rogay)

(Barcelona) 14 Dis 2021. Sida lagu helayo wararka ka imaanaya dalka Spain, weeraryahanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Aguero ayaa qarka u saaran inuu ku dhawaaqo go’aanka uu kaga fariisanayo guud ahaan kubadda cagta isagoo Barca ku sugan wax ka yar lix bilood.

Suxufiga lagu kalsoonyahay ee Guillem Balague ayaa wariyay inuu Aguero shaacin doono go’aanka uu kaga fariisanayo kubadda cagta maalinta Arbacada (Berri) maadaama uusan sii wadi karin inuu ku ciyaaro xaaladdii xanuunka ahayd ee kasoo wajahday wadnaha dhammaadkii October.

Halyeyga Manchester City ayaa xanuun dartiis lasii ciyaari waayay kulankii ay Barcelona barbarraha la gashay naadiga Deportivo Alaves, waxaana looga saaray baddel iyadoo ay taasi u xigtay in durba loola cararay isbitaalka waxaana musasalkaas xigay inay dhaqaatiirtu u sheegeen xaaladdiisu inay daran tahay isla markaana ugu yaraan saddex bilood ay qaadaneyso soo kabashadiisa.

Si kastaba ha ahaatee, waayaha 33-sano jirka reer Argentina ee garoonka Camp Nou ayaa loo badinayaa inuu kusoo koobmo kaliya shan ciyaarood isagoo sababsanaya dhaawacyo iyo xanuunkaas kasoo weeraray wadnaha.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close