Man City oo NUS DARSAN goolal ka badan kaga adkaatay kooxda Leeds United oo soo booqatay… +SAWIRRO

(Manchester) 14 Dis 2021. Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad guul sahlan kaga gaartay kooxda Leeds United, kaddib markii ay kaga adkaatay 7-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 3-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.

Daqiiqadii 8-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay xiddigooda Phil Foden.

13 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Manchester City ayaa dhalisay goolkeeda labaad kaddib markii uu 2-0 ka dhigay Jack Grealish oo caawin ka helay saaxiibkiis Riyad Mahrez.

Kevin De Bruyne ayaa daqiiqadii 32-aad hoggaanka ciyaarta u sii dheereeyay kooxdiisa Manchester City, kaddib markii uu dheesha ka dhigay 3-0, waxaana goolkan ka caawiyay Rodri.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 49-aad Riyad Mahrez oo ay caawinta goolka kaga timid saaxiibkiis İlkay Gündoğan ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 4-0 ay ciyaarta ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

62 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Kevin De Bruyne oo ay caawin kaga timid İlkay Gündoğan ayaa ka dhigay 5-0 ay ku hoggaamineysay kooxdiisa Manchester City.

Manchester City oo sii wadata bandhigeeda goolasha ee kulankan ayaa daqiiqadii 74-aad waxaa 6-0 ka dhigay ciyaarta daafacadooda John Stones.

Nathan Aké oo caawin ka helay saaxiibkiis Phil Foden ayaa wuxuu niyadjabiyay taageerayaasha kooxda Leeds United, wuxuuna kulanka ka dhigay 7-0 ay ku hoggaamineysay Manchester City.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 7-0 ay Arsenal kaga adkaatay Manchester City kooxda Leeds United oo marti ugu ahayd garoonka Etihad, City ayaa ku hoggaamineysa kala sareynta horyaalka Premier League 41 dhibcood, 4 dhibcood ayeey ka sareysaa naadiga Liverpool.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close