Muxuu Carlo Ancelotti ka yiri guushii ay kooxdiisa Real Madrid ka gaartay Atlético Madrid??

(Madrid) 13 Dis 2021. Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay xalay kaga gaareen Atlético Madrid kulankii adkaa ee Madrid Derby.

Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabéu guul guul kaga gaartay kooxda Atletico Madrid, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0 kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Macalin Carlo Ancelotti ayaa ciyaarta kaddib wuxuu kala hadlay warbaahinta dareenkiisa kaddib guusha ay ka gaareen kooxda Atlético Madrid:

“Farqiga weyn ee La Liga? Uma maleynayo inay tahay saameynta Ancelotti, laakiin sababtoo ah waxaan heysanaa koox cajiib ah, waana ogahay waxa ay ciyaartoyda sameeyaan.”

“Marka ay ciyaartoyda shaqo fiican ku qabanayaan garoonka dhexdiisu, isla markaana kooxda leedahay kartidan, waxay awoodaa inay guul gaarto kulammada.”

“Waxaan jecleystay qaab ciyaareedka daafaca ee kooxda, maadaama aan horumar badan sameynay oo aan aad u adagnahay, Sidan adag, waxay naga caawinaysaa inaan samayno weeraro rogaal celis ah.”

Intaas kaddib Carlo Ancelotti ayaa la weydiiyay haddii ay kooxdiisa Real Madrid ugu cad-cadahay ku guuleysiga horyaalka La Liga, wuxuuna ku jawaabay:

“Real waa musharaxa ugu cad-cad hanashada horyaalka La Liga? Tani waa run, laakiin waa inaan diirada saarno si aynan hoos ugu dhicin, waana inaan sii wadnaa inaan gaarno guulaha.”

“Champions League? Ma garanayo waxa dhici kara, laakiin waan tartami doonaa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close