DEG DEG: PSG vs Man United, Atlético Madrid vs Bayern Munich… (Isku aadka wareegga 16-ka UEFA Champions League oo la sameeyey)

(Yurub) 13 Dis 2021. Waxaa goordhow la sameeyey isku aadka wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, iyadoo ay ka soo baxeen kulamo waa weyn.

Kooxda Faransiiska ee Paris Saint-Germain ayaa soo dhoweynaysa naadiga reer England ee Manchester United lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League.

Kooxda ugu guulaha badan tartankan ee Real Madrid ayaa dhankeeda lugta hore ee wareegga 16-ka tartankan booqan doontaa naadiga reer Portugal ee Benfica.

Atletico Madrid ayaa soo dhoweynaysa Bayern Munich oo ka mid ah kooxaha loo saadaalinayo inay ku guuleysan karaan Champions League.

Manchester City ayaa iyana lagu beegay naadiga Villarreal ee dalka Spain, halka Chelsea oo difaacaneysa tartankan ay ku aaday  kooxda LOSC Lille.

Isku aadka wareegga 16-ka xilli ciyaareedka 2021/22 oo dhammaystiran halkaan hoose ka eeg:-

Benfica vs Real Madrid.

Villarreal vs Manchester City.

Atlético Madrid vs Bayern Munich.

Salzburg vs Liverpool.

Inter vs Ajax.

Sporting CP vs Juventus.

Chelsea vs LOSC Lille.

Paris Saint-Germain vs Manchester United.

Image

Goormee la ciyaari doonaa wareegga 16-ka Champions League?:-

Kulammada lugta hore ee wareegga 16-ka ayaa la ciyaari doonaa 15-ka &16-ka Febraayo iyo 22-ka & 23-ka isla bisha Febraayo ee 2022, halka kulammada lugta labaadna la ciyaari doono 8-da & 9-ka Maarso iyo 15-ka & 16-ka bisha Maarso 2022.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close